Barnaamijka qaadista haraaga cuntada waxaa hadda heli kara dhammaan dadka deggan magaalooyinka soo socda:

Gobolka Ramsey

  • Maplewood

  • North St. Paul

Gobolka Washington

  • Cottage Grove

  • Newport

Iska diwaangeli ogeysiisyada

Geedi Socodka Waji-wajiyo Loo Daahfurayo

Barnaamijka qaadista haraaga cuntada waxaa lagu guda jiraa u furista dhammaan dadka deggan Degmooyinka Ramsey iyo Washington. Mashruuca barnaamijka qaadista cuntada ee haraaga lama fulin miisaankan kahor. Inta barnaamijka qaadista haraaga cuntada la daahfurayo, kaliya dadka deggan magaalooyinka barnaamijka laga heli karo ayaa bacaha haraadiga cuntadooda la kala sooci doonaa. Jadwalka bilaabidda barnaamijka ee la soo jeediyey ayaa isbeddeli kara.

Barnaamijka qaadista haraaga cuntada waxaa lagu tijaabiyey tiro qoysas ah oo kooban. Tijaabadani waxaa loogu yeeraa tijaabada barnaamijka waxaana la bilaabay bishi Abriil 2023. Dadka deegaanka ee kaqeybqaatay tijaabada waxay fursad u heleen inay ra’yi celin ka dhiibtaan khibradooda barnaamijka. Dadka iska qoray barnaamijka qaadista haraaga cuntada ee tijaabada ma ubaahna inay markale iska qoraan si ay u sii wataan kaqeybqaadashada barnaamijka.

Dadka deggan deegaanada weli aanan uqalmin inay kaqeybqaataan barnaamijka qaadista haraaga cuntada waxay adeegsan karaan goobaha qashinka la geeyo ee degmada si ay dib ugu warshadeeyaan haraaga cuntada. Goobaha qashinka la geeyo ayey dadku sii heli doonaan inta barnaamijku ka sii bilaabmayo.