Dalbo bacaha lagu rido cuntada haraaga ah
Si aad u dalbato bacaha Barnaamijka Qaadista Haraaga Cuntada, barnaamijka waa in laga heli karaa deegaankaaga. Geli ciwaankaada si aad u hubiso in la heli karo. Haddii aad horay u samaysatay akoon, gal ama adeegga macaamiisha ka wac 651-661-9393 si aad u dalbato.
Bacaha lagu rido cuntada hadhaaga ah Images





Bacahaan lagu rido haraadiga cuntada ee barnaamijka u gaarka ah ayaa loo baahan yahay si looga qaybqaato barnaamijka. Bacaha kale ee lagu iibiyo dukaamada ama onlaynka laguma aqoonsan doono kala soocida waxaana laga yaabaa in aanay u adkaysan safarka gaariga qashinka qaada. Cuntadaada haraaga ah ku aruuri bacaha lagu rido cuntada haraaga ah. Toddobaadkii halmar, ama marka ay buuxsanto bacda lagu rido haraaga cuntada, ku xir bacda guntin (sida aad u xiri lahayd buufin).
Tirada: 60 bacaha lagu rido haraaga cuntada (sahaydaan waxaa la filayaa in ay ku hayso ilaa hal sano)
Qiimaha: Bilaash
Sanadka 2026, waxaa isbeddel lagu samayn doonaa tirada bacaha bilaashka ah ee lagu ururiyo qashinka cuntada ee uu qoyska helo sanad kasta. Laga bilaabo Jan. 1, 2026, sahayda bacaha qashinka cuntada ee sanadlaha ah waxaa ku jiri doona ilaa labo dalab oo baco oo bilaash ah qoyskiiba sanadki. Halki dalab waxaa ku jira 60 baco. Bacaha qashinka cuntada ee dheeraadka ah ayaa lagu heli doonaa iib. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga bixin doonaa Janaayo 2026.
Isbeddelka siyaasadda bacda waxay dhaqangeli doontaa laga bilaabo Jan. 1, 2026, oo ma saamayn doonto dalabyada la dalbaday 2025. Bacaha qashinka cuntada ee uu bixiyo Barnaamijka Qaadista Haraaga Cuntada waxaa loogu talagalay inay noqdaan kuwo ka waaritaan badan kana wayn bacaha caadiga ah ee la burburin karo. Bacaha barnaamijka waa in la isticmaalaa si looga qaybqaato barnaamijka. Qoysaska badankooda, waxaanu kula talinaynaa inay isticmaalaan 1-2 xabo oo bacaha qashinka cuntada lagu ururiyo ah toddobaadki si ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan sahayda sanadlaha ee bilaashka ah
Barnaamijka Qaadista Haraaga Cuntada waa barnaamij cusub, degmooyinkana waxay sii wadaan inay wax ka bartaan sida ugu wanaagsan ee loogu taageero dadka deegaanka ee ka qaybqaata. Isbeddeladaan siyaasadeed ee bacda waxaa qaabeeyay cilmi-baaris iyo jawaab-celin ay bixiyeen kaqaybqaatayaasha barnaamijka. Degmooyinkani waxay sii wadi doonaan inay wax ka bartaan oo ay saxaan si ay u xaqiijiyaan in barnaamijku si wanaagsan ugu sii adeego dadka deegaanka. Waxaanu kaaga mahadnaqaynaa ka qaybqaadashadaada joogtada ah!
Su'aalaha Inta Badan La isweydiiyo
Faahfaahinada Alaabta
- Bacaha haraaga cuntada ay shahaadaysay BPI, caradu burburin karto, aanan udug lahayn.
- Lagu naqshadeeyay walxo dhumuc weyn oo waari kara oo si gaar ah loogu talagalay Barnaamijka Qaadista Haraaga Cuntada.
- Dalabyada bacda lagu rido haraaga cuntada waxaa ku jira 60 bac (labo duub oo min 30 ah).
- Waxaan kugula talinaynaa inaad beddesho bacaha cuntada haraaga lagu rido qiyaastii hal mar todobaadkii. Waxaanu filaynaa in sahaydani ay qoyskaaga hayso ilaa hal sano.
Ha beddelin bacaha lagu rido haraaga cuntada. Haddii la beddelo bacda lagu rido haraaga cuntada, ma dammaanad qaadi karno in bacda la kala sooci doono.
Waa maxay cabbirka bacda lagu rido haraaga cuntada ee ku habboon qoyskeyga?
- Tijaabadi la sameeyay, bacda haraaga cuntada lagu rido ee 6-da gallon ah ayaa ahayd cabbirka ay doorbideen inta badan qoysaska.
- Qoysaska ballaaran iyo kuwa sida joogtada ah guriga cuntada ugu karsada waxay doorbidi karaan bacaha haraaga cuntada lagu rido ee waaweyn, 13-ka gallon ah.
- Fiiri tusaalooyinka habaynta guriga iyo talooyinka ku saabsan ururinta.
Ma U Baahan Tahay Bacaha Haraaga Cuntada Lagu Rido oo Dheeraad ah?
- Sahaydaada bacaha lagu rido haraaga cuntada waa in ay ku haysaa ilaa hal sano. Haddii aad u baahan tahay bacaha lagu rido haraaga cuntada oo dheeraad ah sanad gudihii marki aad dalbatay sahaydaada sanadlaha ah, gal akoonkaaga ama adeegga macaamiisha ka wac 651-661-9393 si aad u dalbato bac kale.